Iska hor Imaad Xoogan Oo Udhaxeeyay Al-Shabaab iyo Ciidamada Dowlada Oo Goordhaw Kadhacay Gobolka Shabeelaha Hoose

0
78

Iska hor imaad xoogan oo udhexeeyay ciidamada Dowlada Soomaaliya oo kaashana kuwa Midawga Afriika ee AMISON iyo Xoogaga Al-Shabaab  ayaa waxa uu ka dhacay Degaanka Shalaanbood ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Iska hor imaadkaan ayaa waxa uu kadanbeeyay kadib markii ay Xoogaga Al-Shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen fariisomo ay ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin Degaanka Shalaanbood ee Gobolkaasi.

Ilaa iyo iminka macadam qasaaraha rasmigaa ee sookala gaaray dhinacyadii halkaasi ku dagaalay iyo waliba kan soogaaray dadka rayidkaa.

Warka naga soogaraya Degaanka Shalaanbood ayaa waxa ay sheegayaan in haatan ay halkaasi ka socdaan holgallo ballaaran oo ay sameenayaan ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Midawga Afriika ee AMISON sidoo kale lama oga hoolgalkaan dadka ay kusoo qab qabteen ciidamadaan.

Dhawaan ayee aheed markii ay halkaasi la wareegeen ciidamada dowlada Soomaaliya oo ay kabayaan kuwa Midawga Afriika ee AMISON.

Waxaana uu imaanayaa iska hor imaadkaan xilli ay hoolgal ay kasameeyeen halkaasi ciidamada Dowlada Soomaaliya kaas oo sida ay sheegeen kuxaqiijinaayay amaanka Gobolka Shabeelaha Hoose.