Mr James Swan oo ka hadley xaalada cakiran ee ka taagan maamulka hirshabeele

0
125

Ergeyga Qarramada Midoobey u qaabilan Soomaailya Mr James Swan oo khadka Aalada Zoomka kula hadlay madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xusseen Guudllaawe ayaa sheegay muhiimada wada hadal lagu dhameeyo khilaafka ka taaggan Hirshabeelle.

Sidoo kale James Swan ayaa arintan kala hadlay Wasiirka Wasaarradda Arimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya Jen Mukhtaar Xusseen Afrax waxaa uu carabka ku adkeeyay Swan muhiimada wada hadal dhaxmara dhammaan daneeyayaasha si loo helo dib u heshiisiin Hirshabeelle dhaxdeeda ah

Dhinaca Qarramada Midoobey ayuu sheegay in ay diyaar u yihiin taageerro kasta oo lagu bixinayo dadaallada dib-u-heshiisiineed si loo soo afjaro khilaafka ka taaggan dhismaha Hirshabeelle.