Ciidamada Itoobiyaanka oo Isaga Baxay Deegaanka Ceelcali ee Gobolka Hiiraan

0
49

Wararka naga soo gaaraya Deegaanka Ceel Cali ee gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in subaxnimadii hore ee saakay halkaa isaga baxeen ciidammada dowladda Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa AMISOM.

Shacabka ku sugan Deegaanka Ceel Cali ayaa sheegay in ay arkayeen gadiidka gaashaaman ee Ciidanka Itoobiya oo kasii baxaya halkaa, una jiheystay dhinac magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Al-Shabaab ayaa sheegay in cutubyo ka tirsan ciidankooda ay Madaafiic ku garaaceen saldhiga ciidanka Itoobiya ee ku yaalla Deegaanka Ceelcali ee duleedka magaalada Baledweyne ee gobolka Hiiraan taasina ay sababtey iney isaga baxaan.

Dhinaca dowlada itoobiya ayaan weli wax war ah kasoo saarin ka bixitaanka ay ka bexeen deegaanka Ceelcali.