Hogaamiyeyaasha Maamul Goboleedyada iyo Xukuumada oo Maanta KUlan Uga Furmey Magalada Muqdisho

0
34

Waxaa manta si rasmi ah magalada muqdisho uga furmay shirka madasha Wadatashiga Qaran ee madexda maamul goboleedyada iyo kuwa xukuumada federaalka kaga hadlayaan doorashada 2016 ka dhacaysa Soomaaliya marka la gaaro September sanadkan.

Dhamaan hogaamiyeyaasha maamul goboleedyada ayaa ku wada sugan magalada muqdisho sida Puntland,Galmudug, koofurgalbeed, Jubland iyo sidoo kale ergooyin matalayaa gobolada Hiiraan iyo Shabellaha dhexe.

Shirka waxaa furay madaxweynaha dowladda dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud,waxaa kale oo ku sugan R.wasaare Cumar Cabdirashid,ku xigeenkiisa ,waxaana shirkii ugu dambeyey ee go’aan looga gaaraayo doorashada Soomaaliya.

Si kasataba arintu ha ahaatee kulamada ay kulmayaan maamul goboleedyada iyo xukuumada ayaa intooda badan waxaa ay ku dhamaan guul daro taasoo dadka ka hadla siyaasada ay u aaneynayaan in dhamaantoodba aysan ka talin danaha somaliyeed.