Alshabab oo Boqolaal Ruux Kula Tukadey Salaada Ciida Magalada Janaale

0
203

shababWaxaa shaley Magaalada Janaale isugu soo baxay Boqolaal shacab ah kuwaasi oo Kooxda Alshabaab Salaada Ciid kula dukatay Fagaare ku yaala Magaaladaasi.

Salaada ayaa waxaa shacabkaasi la dukaday Gudoomiyaha Kooxda Alshabaab ugu magacaaban Gobolka Shabeelaha hoose Abuu Cabdalla , Saraakiil iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Kooxda.

Salaada kadib ayaa waxaa dadkaasi Shacabka ah la hadlay Gudoomiyaha Kooxda u qaabilsan Abuu Cabdalla oo dadka ku baraarujiyay inay Dagaalada ay kula jiraan Dowlada iyo Amisom, sheegayna in looga baahan yahay inay xidid la noqdaan Kooxda.

Waxa uu sheegeen in sedax sanadood oo ixtilaal ah kadib shacabka Janaale ay maanta dabaal degayaan iyagoo ku hoos nool ku dhaqanka shareecada Islaamka waa sida ay warka u dhigeen.

Si kastaba arintu ha ahaatee alshabab aya aku sugan deegaanka tan iyo kolkii ciidamada amisom ay isaga carareen.

shabab

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

shabab1