Qarax ay Dad Badani Ku Dhinteen Oo Kol Dhaweyd Ka Dhacay Wadada Isku Xirta Afgooye Iyo Muqdisho

0
26

breaking nWar goor dhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay Laamiga xiriiriyo Muqdisho iyo Afgooye.

Warar hor dhac ah ayaa waxa ay sheegayaan in Qaraxa lala eegtay Gaadiid ay la socdeen AMISOM kuwaasi oo la sheegay in lagu weeraray Bambooyin, islamarkaana sababay gubashada Laba gaari oo Hoomeyda loo yaqaan oo ay la socdeen dad shacab ah.

Xiriiro aan la sameynay goobjoogayaal ku sugnaa Goobta uu Qaraa ka dhacay ayaa waxa ay inoo xaqiijiyeen in Qaraxa uu ka dhacay Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye halkaasi oo Qaraxa lagula eegtay Gawaari AMISOM, waxa ayna Tilmaameen in Qaraxa uu sababay gubashada Gaari Booyad Shidaal oo ay wateen Ciidamada AMISOM, kaasi oo galaaftay Laba gaari shacab ahaa oo xiligaasi daba socday gaariga Booyada.

Dhanka kale, wararku waxa ay sheegayaan in dadkii saarnaa Labadaasi gaari ay badankooda ku dhamaadeen Gawaarida ay la socdeen oo sida la rumeysan yahay dab qabsadeen, halka dadka qaarna ay ku dhamaadeen Rasaas ay fureen Ciidamada AMISOM….

Daafeet.Com