Wefdi uu hogaaminaayo Madaxweynaha dowlada federalka oo maanta booqasho ku tegey Garoowe

0
123

xasanWafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa barqadii maanta gaaray xarunta maamulka Puntland ee Garoowe, waxaana safarkiisa ku wehliya wasiirka maaliyadda iyo qorsheynta Maxamuud Xasan Saleebaan, wasiiru-dowlaha madaxtooyada Faarax Cabdulqaadir iyo xildhibaanno.

Socdaalka madaxweyne Xasan Sheekh oo qaadan doona labo cishe ayaa la xiriira sidii uu maamulka Puntland ugala tashan lahaa shirka May 7 lagu wado inuu ka dhaco London ee looga hadlayo arrimaha Soomaaliya iyo xoojinta xiriirka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamulka Puntland.

Madaxweyne Xasan waxaa garoonka diyaaradaha ee Garoowe ku soo dhoweeyay madaxweyne maamul goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole, ku xigeenkiisa, Cabdisamad Cali Shire iyo wasiirro ka tirsan xukuumaddiisa.

Waa safarkii ugu horreeyay ee Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tago Puntland tan iyo markii uu xilka qabtay bishii September ee sanadkii tegay.

Daafeet.Com