Reysulwasare Saacid oo soo dhaweeyey tababarka ciidamada loogu sameynayo dalka gudihiisa

0
25

abdi shirdomRa’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta tallaabo dhiiri-gelin ah u sameeyay 1,000 askari oo ka mid ah ciidamada xoogga dalka kuwaasoo tabababar ku qaadanaya xerada Jaziira ee duleedka Muqdisho ku taalla.

Mudane Saacid ayaa ciidamada ku tababaranaya xeradaas wuxuu ugu deeqay geel si loogu qalol, isagoo sheegay in tababarka ay ciidamadu ku qaadanayaan dalka gudihiisa ay tahay mid aad u wanaagsan, intii tababar loogu qaadi lahaa dalka dibaddiisa.

G/sare Faandhe Jaamac Kaarshe oo ah taliyaha dugsiga tababarka ee Jaziira ayaa ka mahad celiyay taakuleynta gaarka ah ee ka timid ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, wuxuuna xusay in ciidamadu ay u baahnaayeen in inta ay ku jiraan tababarka ay helaan taakuleyn toos ah oo madaxda sare ee Qaranka kaga timaadda.

Ciidamda ka tirsan kuwa xoogga dalka ayaa waxaa tababarka siinaya xubno Soomaali ah oo khibrad dheer u leh tababaridda ciidamada, iyadoo la siinayo casharo ku saabsan habka dagaalka, difaaca iyo wadaniyadda.

Tababarkan ayaa kii ah ugu horreeyay ee noociisaa oo ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya lagu siiyo dalka gudhiiisa tan iyo markii xukunka laga tuurtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya sannadkii 1991.

Daafeet.Com