Ciidamada amisom iyo kuwa dowlada oo kaabiga ku haya magaalada kismaanyo

0
32

Taliska ciidamada AMISOM ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadooda iyo kuwa dowladda ay ku dhawaadeen magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose maalin kaddib markii kooxda al-Shabaab laga saaray deegaanka Canjeel ee galbeedka magaalada ku yaalla.

War saxaafad ay AMISOM soo saartay ayaa lagu sheegay in ciidamada ay u jirsadeen Kismaayo 5-Km, ciidamadana ay illaa hadda la wareegeen xeebta dhinaca waqooyi ee Kismaayo, waddada aada Muqdisho, aagga ay ku taallo jaamacadda Kismaayo iyo garoonkii hore ee diyaaradaha.

Taliyaha ciidamada AMISOM, Lieutenant General Andrew Gutti ayaa sheegay in qabsashada Canjeel ay waddada u furtay inay ciidamada u jiheystaan dhanka magaalada Kismaayo, wuxuuna intaas ku daray in ujeeddadoodu tahay in la awood tiro maleeshiyada al-Shabaab.

Gen: Gutti ayaa tilmaamay inuu taxaddar ku socdo howlgalkooda Kismaayo, si loo yareeyo saameynta uu howlgalku ku yeelan karo dadka shacabka ah, isagoo xaqiijiyey in la sameeyey aag dagaalka ka caagan oo ah suuqyada, iskuullada, masaajidda iyo isbitaallada.

Daafeet.Com