Afgoi Action Council oo shaley shir isugu yimid kana wada hadley arimaha degmada afgooye

0
34

Kulan ey isugu yimaadeen afgooye action council ayaa shaley waxaa uu ka dhacay qabka telfonka halkaas oo lagu gorfeey arimo dhowr ah oo ey ka mid yihiin sidii wax loogu qaban lahaa shacabka ku dhaqan degmada afgooye.

Kulakaan oo ey u dhamanyeen dhamaan gudigiisa fulinta ayaa waxaa ey isku soo qaadeen sidii wax looga qaban lahaa armiha bulshada gaar ahaan dhinaca waxbarasha iyo sidii dayactir loogu sameyn lahaa isbitaalka weyn ee degmada afgooye iyo sidii degmada ey u noqon laheyd degmo nabad gelyadeeda ey tahay mid fiican.

Gudiyo kala duwan ayaa loo xil saarey in ey arimahaas sida ugu dhaqsiyaha badan uga soo shaqeeyaan si loo helo wada ugu sahlan ee wax loogu qaban karo shacabka ku dhaqan degmada afgooye.

Waxaa kaloo ey ku booriyeen jaaliyadaha dibada ku dhaqan ee reer afgooye iney iska xil saaraan iney u istaagaan horumarinta dhinaca waxbarashada iyo dhaqaalaha ee degmada iyo sidii dib u dhis loogu samen lahaa goobaha kababka bulshaweynta ku dhaqadan degmada afgooye.

Waxaa kaloo ey ku booriyeen in maamulka degmada uu isna iska xilssaaro sidii horumar loo gaarsiin lahaa degmada maadaama ey in mudo ah ku jirtey gacmo kala duwan dhibaatooyin badana ey soo martey degmada, hada loo baahan yahay in laga gudbo wixii dhib ey degmada horey u soo martey loona gudbo nabad iyo sidii loo soo celin lahaa shafarta degmada ey ku laheyd wadanka somaliya.

Degmada afgooye oo ka mid degmooyinka qadiimiga eh ee ku caanka ahaa ahaa wax sooraarka ahaana laf dhabafta tacbatada beeraleysa soomaaliyeed waxaa haboon in si dhaqsi leh kor loogu soo qaado dhaqalaha.

Daafeet.Com