Wasaarada gaashaandhiga oo faahfaahinka bixisey dagalada lagula jiro alshabab

0
69

Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay khasaraaha ka dhashay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay meelo ka mid ah maamulada Galmudug, Hirshabeelle iyo Jubbaland.

Warsaxafadeed ay soo saartay Wasaaradda ayay ku sheegtay in howlgaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay qaar ka mid ah gobolada dalka in lagu dilay 130 xubnood oo ka mid ah kooxda Al-shabaab oo isugu jira horjoogayaal iyo maleeshiyaad.

Waxaa sidoo kale warsaxafadeedka lagu sheegay in kooxda Al-shabaab howlgaladii ugu dambeeyay looga xureeyay dhul baaxad leh oo ku yaala gobolada Mudug iyo Galgaduud ee maamulka Galmudug.