Madaxweyne ku xigeenka maamulka jubaland oo booqasho ku tegey degmada luuq

0
222

Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee maamulka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Maxamuud Sayid Aadan oo kasoo kicitamay magaalada Kismaayo ayaa waxaa halkaas kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan gobolka, kan degmada iyo bulshada rayidka ah.

Safarkan ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ah wasiirka amniga maamul goboleedka Jubbaland, mas’uuliyiin kale iyo saraakiil ka tirsan maamulkaasi.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa sidoo kale la filayaa inuu kulamo ka bilaabo halkaasi, kuwaas oo looga hadli doono amniga iyo xoojinta wada shaqeynta labada dhinac.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in Sayid Aadan uu usii gudbi doono degmooyinka kale, sida magaalada Baardheere halkaas oo uu booqan doono madaxweyne ku xigeenku.