Kulankii xukuumada iyo golaha musharixiinta oo fashil ku dhamaaday

0
85

Waxaa xalay lagu kala kacay oo fashil ku soo idlaaday shir Hotel Decale ay ku yeesheen Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble iyo Midowga Musharixiinta dalka.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa xalay kulankiisii saddexaad la yeeshay xubnaha Midowga Musharixiinta oo dalbaday in ay qeyb ka noqdaan hannaanka wada hadallada arrimaha doorashooyinka dalka.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa lagu yiri” Shirkii aan la qaatay Midowga Musharaxiinta, waxaan sameynay tanaasul badan. Qodobbadii aan ka hadalnay waan isku raacnay marka laga reebo qodob ay ku adkeysteen oo ah in laga qeyb galiyo shirka Madasha Dowladda Federaalka, Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, taasoo la macne ah in dib loo furfuro heshiiskii 17-kii September,2020, oo aanan kaligey xaq u lahayn wax ka baddelkiisa.

Wali Albaabadeydu way u furan yihiin wada hadal iyo is-qancin, si aan xal kama dambeys ah u gaarno dalkana uga hirgalinno doorasho hufan oo si nabad ah ku dhacda.