Puntland oo dalab culus soo gudbisey si ay uga qeyb gasho shirka la rabo inuu ka dhoco magalada muqdisho

0
102

Puntland ayaa si ay qeyb uga ahaato heshiiska hannaanka doorashada Soomaaliya, waxay dalbatay in xilka laga qaado taliyayaasha ciidamada milatariga, booliiska iyo nabad sugida, iyadoo ku eedeeysay in ay ka qeyb ka qaateen qalalaasihii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho.

Puntland waxay sidoo kale dalbatay in madaxweyne Farmaajo uu soo saaro wareegto xadidaysa awoodiisa fulineed iyo kuwa sharci dajineed ee barlamaanka. Sidoo kale, in meesha laga saaro dhammaan go’aamadii madaxweynuhu saxiixay wixii ka dambeeyay siddeedii february.