Alshabab oo weerar ku qaaday saldhig ay ciidamada dowlada ku lahayen degaanka sabiid iyo caanoole

0
83

Ciidamada dowlada iyo xubno ka tirsan alshabab ayaa ku dagaalamay deegaanka Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaasoo geystey qasaaro isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka ayaa yimid, kaddib markii Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhigyada Ciidamada dowladda ee Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo dhex-maray labada dhinac.

Goobjoogayaal ku sugnaa halka uu dagaalka ka dhacay ayaa sheegay inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsaneyeen labada dhinac, basle weli aysan helin khasaaraha dhabta ah ee dagaalkaasi ka dhashay, hayeeshee saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa waxaa ay sheegeen inay ka hortageen weerarka Al-Shabaab, isla markaana ay khasaaro gaarsiiyeen.

Al-Shabaab ayaa warar ay ku baahiyeen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxaa ay ku sheegeen in weeraro ay ku qaadeen degaanka Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose ay gduaha u galeen degaankaas, in kastoo aan weli la helin warar madax bannaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.