Amisom oo dad shacab ah ku diley agagaarka masjidka turkiga ee magalada muqdisho

0
52

Kolonyo Gaadiid ah oo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa waxaa qarax Miino lagula eegtay agagaarka Masjidka Turkiga oo ku yaalla wadada u dhaxeysa Isgoyska Fagax & xaafada Jamhuuriya .

Ciidamada qaraxa lala eegtay ayaa waxaa la sheegay inay sahay u wadeen Ciidamo kale oo ka tirsan AMISOM oo ku sugan degmada Hurwaa ee Gobolka banaadir, waxaana qaraxa kadib ay ciidamada fureen rasaas farabadan.

Qaraxa kadib rasaas badan oo oay fureen ciidamada amisom ayaa waxaa ku geeryoodey seddex ruux halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 7 ruux oo intaba ahaa dad shacab ah oo ku sugnaa halka uu qaraxa ka dhacay.

Ciidamada AMISOM amisom ayaa inta badan kolka qarax sidan oo kale ah lala beegsado waxaa ay xabado aan lala meel dayan ku furaan meelaha ku dhow taasoo dadka qaarkii ay ku fasiraan inaysan jirin wax xisaabiya kolka ay dhacaan falalka noocan oo kale ah.