Dhegeyso: Gudoomiyaha Maxkamada Sare oo Ka Laabtey Mowqifkiisa Hore Kadib Kolkii Runta Loo Sheegay

0
147

Gudoomiyaha maxkamada sare ee ciidamada qalabka sida oo maalintii shaley ka hadley xabad joojin u dhaxeysey maleeshiyo isbaarooley ah iyo dadka deegaanka ayaa waxaa uu sheegay in hada kadib qofkii qof dila uusan noqon doonin qabiil wax dilay oo uu noqon doono shaqsi dembi galey.

Hadalka gudoomiyha maxkamada sare ayaad imanaya kadib kolkii odayaasha beelaha shanta caleemood ay ku gacan seyreen dalab uu horey u watey oo ahaa in gacanta losoo geliyo dad uu asaga sheegay inay dembi galeen taasoo ay odayaasha ka diideen.