Maxaa Ka Jira Wararka Sheegaya In Alshabab Ay Go’doomisay Degmada Marka

0
50

Wararka aynu ka heleyno degmada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose oo dhawaan ciidamada dowladda ay la wareegeen ayaa sheegaya in ciidamada Al Shabaab ay go’doomiyeen degmadaasi.

Xaalad aad u adag ayaa ka taagan degmada Marko, sida ay sheegayaan masuuliyiinta maamulka gobolka Shabeelaha Hoose iyo xildhibaanada kasoo jeeda deegaanadaasi.

Saneter Axmed Macalin Cumar oo kamid ah xildhibaanada aqalka sare ee baarlamaanka ayaa sheegay in Al Shabaab ay go’doon geliyeen dhamaan waddooyinka gala degmada Marko taasi oo xaalad adag gelisay shacabka degmada.

Wuxuu Sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay go’aan ka qaadato arrimaha halista ku keenaya shacabka Soomaaliyeed.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale waxaa uu shaaca ka qaaday in xaalad adag oo dhanka Noloshada ay haysato Shacabka ku nool Magaaladaasi.