Xildhibanada Baarlamaanka Dowlada Federaalka Somaliya oo Maanta Soo Saaray Xeer Dp World Looga Mamnuucayo Dalka Somaliya

0
84

Xildhibanada dowlada federaalka somaliya oo maanta kulan ku yeeshey xarunta golaha shacabka ayaa waxaa ay soo saareen xeer la magac baxay xeer dhowraya gobannimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, iyaga oo dhinaca kalana ka mamnuucay shirkadda DP World in ay ka howlgasho guud ahaanba Soomaaliya.

Xeerkan ka soo baxay baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu eedeynayaa Shirkadda DP World inay si bareer ah ugu xad gudubtay siyaasadda, madax banaanida iyo Midnimada Soomaaliya.

Qodobka 1aad

Heshiis caalami ah waxaa jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya u geli kara oo keliya xukuumadda federaalka ah ayadoo sharci ahaan loo soo marsiinayo hay’adda sharci dejinta JFS uuna madaxweynaha JFS ku meelmarinayo xeer madaxweynaha laguna soo saaro faafinta rasmiga ah ee JFS.

Qodobka 2aad

1. Heshiis kasta oo lala galo dowlad ama hay’ad kaloo shisheeye, oo ka hor imaanaya dastuurka federaalka ah waa waxbo kama jiraan aanan sharciyad laheyn

2. Heshiis kasta oo shirkadda Dubai Port World” DP world” lala galay waa waxba kama jiraan maadaama uu ka hor Imaanayo dastuurka dalka, xeerka maalgeshiga shisheeye Soomaaliya iyo shuruucda kale ee dalka u degsan.

3. Shirkadda Dubai Port World “DP World” oo si bareer ah ugu xadgudubtay siyaadada, madaxbannaanidu midnimada iyo bedqabka dalka Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliyaa, waxaa saas daraadeed shirkadan laga mamnuucay dalka.

Qodobka 3-aad.

1. R/ Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya la farayaa inuu si degdeg u gaarsiiyo xeerkan madaxa xukuumadda istutaga Imaaraadka Carabta “UAE” kuna wargeliyo iney ku kaceen falal culus oo xadgudub ku ah qaanuunka caalamiga ah oo ay ka mid yihiin kuwa kor ku xusan si bareer ahna uga horimaanaya Dastuurka Federaalka Soomaaliya iyo xaqa shacbiga Soomaaliyeed dowga u leeyihiin bedqabka dalkooda, ilaalinta gobonimadiisa iyo midnimada geyigooda.

2. Waxaa kaloo la farayaa R/ wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya in uu degdeg ah baarlamaanka federaalka Soomaaliyeed u hor Keeno tillaabooyinka iyo howlgallada xukuumadda ay ku ilaalneyso sareynta dastuurka iyo badbaadinta midnimada geyiga Soomaaliya.

Qodobda 4aad:

Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya waxaa uu dhamaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay u istaagaan gudashada waajibka saaray muwaadin kasta oo Soomaaliyeed ee difaaca dalka iyo ilaalinta midnimada qarabka.

Qodobka 5aad

Xeerkan waxaa uu dhaqan galayaa marka uu ansixiyo baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ah ku meel mariyo xeer madaxeyne, laguna soo saaro faafinta rasmiga ah ee jamhuuriyadda Soomaaliya.