Xog: Gudomiyaha Golaha Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed oo La Rabo in Xilka Laga Qaado

0
174

Xog ay hashey daafeed media ayaa waxaa ay ku waramasaa in madaxtooyada maamulka koonfur galbeed ee magalada Baydhabo haatan uu ka socdo qorshe la doonayo in xilalka looga qaado gudomiyaha golaha odayaasha dhaqanka koonfur galbeed Suldaan Buube Cabdulle Buube iyo xoghayaha/xiriiriyaha golaha odayaasha dhaqanka koonfur galbeed Suldaan Warsame Suldaan Ibrow.

Qorshahan xil ka qaadista labadan xubnood ayaa timid kadib kolkii iyaga iyo madaxweynaha maamulka konfur galbeed Shariif Xasan ay isku maan dhaafeen qaabka loo wajahayo dhibaatooyinka dhamaadka laheyn ee ka taagan gobolka shabelaha hoose,

Gudomiyaha golaha odayaasha dhaqanka koonfur galbeed Suldaan Buube Cabdulle Buube iyo xoghayaha/xiriiriyaha golaha odayaasha dhaqanka koonfur galbeed Suldaan Warsame Suldaan Ibrow. ayaa waxaa ay horwadeen ka ahaayeen kulamo loga hadlayey arimaha gobolka shabelaha hoose oo ka dhacay magalada Muqdisho taasi oo aan laga soo dhaweynin madaxtooyada maamulka koonfur galbeed  magalada Baydhabo.

Wararka ay heshey Daafeet Media ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in qorshaha haatan ka socda xarunta madaxtooyada maamulka koonfur galbeed ee xilka looga xayuubinayo Suldaan Buube Cabdulle iyo Suldaan Warsame Ibroow in ay gadaal ka riixayaan qaar ka mid ah salaadiinta gobolka shabelaha hoose ayadoo wararka aynu heleyno tibaaxayaan in suldaanka beesha Tuni Suldaan Xeydar  iyo Kusimaha Ugaaska beesha Gare ay haatan hormuud ka yihiin howsha ka socota madaxtooyada maamulka koonfur galbeed ayagoo garab ka helaya malaaqyada beelaha Raxweyn si gaar ah afhayeenka odayaasha dhaqanka koonfur galbeed Malaaq Maxamed Yacquub Deerow.

Si kastoo loo dhigaba arimaha ka socda madaxtooyada maamulka konfur galbeed magalada Baydhabo ayaa waxaa ay imaanayaan xili mudadii uu jirey golaha odayaasha dhaqanka maamulka koonfur galbeed aanu qaban wax howl ah oo la taaban karo kolka laga reebo howlaha maamulka Shariif Xasan uu ku kala dilaayo beelaha dhexdooda ayagoo sidoo kalana mudadii ay dhisnaayeen ayba ku sifoobeen wax qabad la,aan.