Daawo: Waa kuwee Wasiirada Maamulka Shariif Xasan ee Howsha oo Dhan Gacanta Ku Haya

0
69

Wariye Cali Xaraare iyo Wariye Yasin Ducaale ayaa maalintii Axada barnaamijkooda kaftanka siyaasada kusoo qaatay qaabka uu u shaqeeyo maamulka koonfur galbed iyo wasiirada howsha oo dhan gacanta ku haya, Cali Xaraare ayaa sheegey in howsha intooda badan ay ku jirto gacanta 4 wasiir oo ay Shariif Xasan si aad ah isugu dhow yihiin kuwaasi oo kulan kasta iyo heshiis kasta iyo weliba hadii la damco in jid dhagax dhig loo sameynaayo ka dhex muuqda ayadoo wasiiradii howlahaasi lahaana ay magalada ku sugan yihiin.

Labadan wariye ayaa inta badan waxaa ay ka hadlaan xaalada dhabta ah ee ka jirta guuud ahaan dalka somaliya wexeyna mar walba isku mashquuliyaan sidii ay ku keeni lahaayeen xogta rasmiga ah ee jirta si umada somaliyeed uga faaideysato.