50 milyan oo euro oo Jarmalka ugu deeqaya Soomaaliya

0
51

Jarmalka ayaa ku dhawaaqday in 50 milyan oo euro oo u dhigantay inkabadan 60 milyan oo dollarka Mareykanka ah ay ugu deeqeyso Soomaaliya si wax looga qabto dhibaatooyinka ka jira koonfurta Soomaaliya.

Safiirka Jarmalka u fadhiya Soomaaliya Jutta Frasch ayaa warsaxaafadeed ku sheegay in loo baahan yahay in la sameeyo qorshe fog oo looga hortagayo dhibaatooyinka abaaraha ay kamid yihiin ee soo noq noqday, isagoo xusay in Jarmalka oo kaashanaya hey’adaha WFP, UNHCR, dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamullda Banaadir iyo Jubaland ay ka dhabbeyn karaan wax ka qabashada dhibatooyinka bani’aadannimo ee kajira gobolladaas.

Warsaxaafadeed ay maanta soo saartay wasaaradda dhaqaalaha iyo horumarinta Jarmalka ayaa lagu sheegay in lacagtaas ay qeyb ka noqon doonto dhaqaale lagu wareejinayo hey’adaha Qarammada Midoobay cunnada iyo qaxcootiga ee WFP iyo UNHCR si wax looga qabto haweenka iyo carruurta la il daran nafaqo darrada ee ku nool 9 degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir iyo lix degmo oo ka tirsan gobolka Gedo.

Waxaa kaloo warsaxaafadeedka lagu sheegay in carruur badan ay halis ugu jiraan macluul, sidaa dardeed ay u baahan yihiin in si deg deg ah wax looga qabto kahor inta aysan xaaladda kasii darin.

Bankiga Horumarinta Jarmalka ayaa horey u siiyay hey’adda WFP lacag dhan 24.5 euro, halka UNHCR uu siiyay 25.5 milyan oo euro, balse lacag tan ay tahay mid si deg deg wax loogu qabanayo dadka dhibaateysan.

Hoos ka aqriso warsaxaafadeedka oo Af-English ku qoran oo ay qoreen WFP iyo UNHCR

UNICEF WFP Press Release – Germany resilience funding – Somali version UNICEF WFP Press Release – Germany resilience funding