Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somaliya oo Maanta Booqdey Xarunta Wasarada Gaashaandhiga

0
71

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada hadalo kula leh xarunta Wasaaradda Gaadhaandhiga saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Booqashada madaxweynaha ee xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa imaneysa xili dhawaan dowladda Mareykanku shaacisay in ay joojisay dhaqaalihii ay ku bixin jirtay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

Warbixin lagu daabacay Reuters lagu sheegay in sababaha joojinta dhaqaalihii la sii jiray ciidamada xoogga dalka lala xiriirinayo musuq maasuq iyo wax is dabamarin.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhowr jeer oo hore u booqday xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, iyadoo bil ka hor uu tagay xaruntaas.