Madaxweyne Farmaajo oo Sheegey In Aysan Wax Saameyn Ah Ku Yeelan Doonin Ciidamada Joojinta Kalmada Mareykanka

0
55

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed wax saameyn ah ku yeelan doonin dhaqaalihii uu Mareykanku joojiyay, isaga oo intaa ku daray in dowladda federaalka dabooli doonto baahiyaha ay qabaan ciidamada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dowladdaha caalamka ee kaalmada siiya dowladda federaalka xaq u leeyihiin in ay hubiyaan halka uu ku baxo dhaqaalaha ay bixyaan, sidaa daraadeed looga baahan yahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed in ay la yimaadaan nidaam sax ah oo hufan oo kalsooni gallin kara dowladdaha caaawiya Soomaaliya.

Dhinaca kale madaxweynaha ayaa ugu baaqay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed in loo diyaar garoobo dagaal sida uu hadalka u dhigay ka dhan ah Al-shabaab, isaga oo sheegay in waqtigiisa inta ugu badan uu la qaadan doono ciidamada.

Hadalka madaxweynaha ayaa imanaya xili dhawaan Mareykanku sheegay in uu joojiyay dhaqaalihii uu siin jiray ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed sababo la xiriira musuqmaasuq iyo wax is dabamarin.