CabdiRaxmaan CabdiShakuur oo xalay ku baryay Xabsiga NISA.

0
196

Siyaasiga CabdiRaxmaan CabdiShakuur oo saqdii dhexe ee xalay Ciidamada NISA ay ku weerareen gurigiisa kuna guulaysteen inay soo xiraan ayaa ku baryay Xabsi gaar ah oo ay ciidamadu leeyihiin,Siyaasigan oo mudooyinkii ugu danbeeyay ku sifoowey fowdaynta maamulka Dowliga ah ee hada jira ayaa soo qabashadiisa xalay waxay guulweyn u tahay dowlada Madaxweyne Farmaajo oo iyadu haatan u muuqata inay ku dhiiratay talaabo qaadisteeda u muuqato mid aad loogu baahnaa xiligan maadaama xubno Siyaasiyiin,Xildhibaano,Culimo iyo Ganacsato kasoo wadajeeda Beesha Siyaasigan uu ka dhashay ay u gunda duubteen duminta dowlada fedraaka ah ee Soomaaliya.

Talaabadan lagu soo qabtay CabdiRaxmaan CabdiShakuur ayaa u muuqata mid Dowlada Soomaaliya ay aad ugu diyaar garowday maadaama weerarka iyo soo qabashaduba ay xili danbe dheceen isla markaana ay ka hortageen in iska hor imaad uu halkaasi ka dhaco shacabna ay waxyeelo kasoo gaarto.

Dhanka kale Warar soo baxaya subaxnimadan saaka ayaa ku waramaaya in xiisad xoogan ay haatan ka jirto qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafadaha ay ku badan yihiin taageerayaasha CabdiRaxmaan CabdiShakuur sida Xaafada Heliwaa(Suuqa Xoolaha),  waxaana halkaasi laga soo sheegayaa in Maleeshiyo beeleed hubaysani ay halkaasi isku abaabulayaan kuna soo wajahan yihiin xaafadaha qaar ee magaalada inay Amni daro ka abuuraan.

Waxaa sidoo kale laga cabsi qabaa iney dhacaan dagaalo kale maadaama siyaasiga la xiray uu saameyn badan ku leeyahay gudaha beeshiisa Habargidir iyo Maleeshiyo beeleed ku dhexdhuunta dadka reer Muqdisho dhexdood.a,

Talaabadan Dowlada ay qaaday xalay ayaa waxay soo dhoweyn aad u balaaran ka heli doontaa Shacabka Muqdisho oo iyaga maanta u baahan inay helaan Dowlad u soo celisa Amarka iyo kala danbaynta Sugtana Amnigooda.