Daawo: Xeer ILaaliyaha Guud ee Qaranka oo Laba Xildhibaan kusoo Eedeeyey Iney Qaranka Dembi Ka Galeen

0
34

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir oo shir jaraa’id goor dhaw ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku soo oogay danbi Qaran Dumis ah Labo Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Axmed Cali Daahir ayaa ugu baaqay hay’addaha Amniga, sida Booliska iyo hoggaanka Baarista dambiyaya in ay howshooda fushadaan si tallaabo looga qaaday sida uu hadalka u dhigay labada xildhibaan ee kala ah Xasan Macalin Maxamuud iyo Cabdi Saabir Nuur Shuuriye.

Dr. Axmed Cali Dahir ayaa dalbaday in Xildhibaannada kala ah Xasan Macalin Maxamuud iyo Cabdi Saabir Nuur shuuriye laga qaado Xasaanadda si loo horgeeyo sharciga.

Waa markii ugu horeysay oo xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka uu carabka ku dhufto magacyada xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo uu ku eedeynayo in ay galleen fal danbiyeed Qaran Dumis ah.