Kulan Wadatashi oo Ay Isugu Yimaadeen Waxgaradka Degmada Afgooye oo Lagu Qabtey Magalada Muqdihso

0
30

Taariikhda markay aheyd 15.12.2017 waxaa kulan wadatashi isugu yimid qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Degmada Afgoye u matala DFS iyo waxgaradka deegaanka Deg.Afgoye.

Mas’uuliyiinta ka soo qeyb gashay kulanka waxaa ka mid ahaa:Xildhibaan Mohammed Cumar Dhalxa, Xildhibaan Ali Yuusuf Osman (Ali Ganeey), Xildhibaan Osman Xaji Ali, Xildhibaan Aamina Xasan Goyle iyo Drs Asha Abukar Qasim oo ah la taliyaha Madaxweynaha dhanka arrimaha bulshada.

Kulankan oo ahaa kulan horadhac ah waxaa diirada lagu saaray sidii wax loogu qaban lahaa arrimaha nabad gelyada Deg-Afgoye iyo sidii la isugu xiri lahaa dadka deegaanka degan.

Arrimaha la isku af gartay waxaa ka mid ah:

1) In laga shaqeeyo nabad galyada Deg.Afgoye.

2) In la isku xiro bulshada ku dhaqan Deg.afgoye.

3) In la dhiso guddi ka hawl gala arrimaha bulshada kaasoo ka shaqeynayo nabadda iyo wadanoolaashaha, guddigaas wuxuu ma tali doonaa dadka deegaanka.

4) In hormarka Deg.Afgoye laga shaqeeyo sida ganacsiga, waxbarashada iyo caafimaadka ayadoo la dhisayo guddi hawlahaas qabta.

5) In dadka lagu dhiira galiyo wadatashi iyo iskaashi ayadoo danyarta xooga la saarayo.

6) Waxaa kulankan xigi doona kulamo kale bilooyinka soo socda la qaban doona ayadoo bulshada qeybaheeda dhan laga soo qeyb gelin doono.

Waa kulankii ugu horeeyey ee ay isugu yimaadaan Mas’uulyiinta iyo waxgaradka Deg.Afgoye. Kulankan qabsoomidiisa waxaa iska kaashaday Mas’uuliyiinta Degmada, Waxgaradka iyo Qurba joogta Degmada Afgoye. Suurtagalnimada kulanka waxaa ka soo shaqeeyey: Mohammed Abukar Ahmed (Suldan) iyo Dr. Mohammed Abikar Ahmed