Cayaartoyda Xulka Kubada Cagta Koonfur Galbeed oo usoo Gudbey Wareega Labaad ee Tartanka

0
72

Ciyaartooyada xulalka kubadda cagta Koonfur Galbeed iyo Puntland ayaa wada cayaarey maalintii jimcaha cayaartii ugu danbeeysay ee (Group-ka B), waxaana cayaartii dhex martay labada koox ay ahayd mid soo jiidatay dareenka dadkii daawanayay, maadaama labada kooxood ay soo bandhigeen cayaar wanaagsan.

Daqiiqadihii hore ee qeybta 1-aad ee cayaarta ayay Koonfur Galbeed la hormartay Gool, balse inta aysan dhammaan Puntland keentay gooshii Barbaraha.

Barbar dhaca ay gaareen labadan kooxood ayaa u suura gelisey in ay usoo gudbaan wareega labaad ee tartanka, waxaana group A ayana kasoo baxay Banaadir – Jubaland.

Afarta kooxood ee isugu soo bacdey tartan cayaarata maamul goboleedyada ayaa la sugayaa kol dhow inuu bilowdo wareega labaad ee tartankaas. Group A Banaadir – Jubaland Gorup B Koonfur Galbeed _Puntland.