Gudoomiyah Baarlamaanka Dowlada federaalka Somaliya oo u Kicitimay Dalka Koonfur Africa

0
36

Guddoomiyaha baarlamaanka dowlada federaalka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari oo ku sugan dalka Koofur Africa ayaa halkaa uga qeybgalaya shirka guddoomiyayaasha baarlamaannada Africa.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa wafdigiisa waxaa qeyb ka ah xildhibaanno ka tirsan gollaha shacabka.

Guddoomiye Jawaari iyo wafdigiisa ayaa inta ay ku sugan yihiin Koonfur Africa waxaa ay la kulmi doonaan madaxda Baarlamaanada Africa ee shirka ka soo qeybgeli doona.

Xarunta Baarlamaannada Africa ayaa ku taala magaalada Johannesburg ee dalka Koofur Afrika, waxaana ka dhaca shir sanadle ah oo diirada lagu saaro xaaladaha ka taagan dalalka Afric iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhaxeeya Baarlamaanada Afrika.