Wadayaasha Mooto Bajaajka oo Maanta Bananbax Ku Sameynaya Wadooyinka Magalada Muqdisho

0
89

Wadayaasha gadiidka Mooto Bajaajka ayaa maanta bananbax ka sameynaya qeybo ka mid ah wadooyinka magaalada Muqdisho, iyaga oo cabanaya dhibaatooyin loogu geystay jidadka magaalada oo qaarkood loo diiday in ay adeegsadaan.

Dibadbaxayaasha ayaa xiray qeybo ka mid ah isgooysyada muhiimka ah ee magaalada Muqdisho ay u diideen in ay adeegsadan gadiidka BL-ka ah iyo kuwa ciidamada.

Isgooyska KM4 ayaa la arkayay qaar ka mid ah wadayaasha oo is hortaag ku sameyanaya gadiidka dadweynaha iyo qaar ka mid ah kuwa ciidamada, hase ahaatee rasaas markii danbe ay fureen ciidamada ayaa waxaa ku dhintay hal qof oo rayid ah halka saddex ruux kalana ku dhaawacmeen.

Dibadbaxayaasha oo markii danbe isugu tagay taallada Daljirka Dahsoon ayaa ku dhawaaqayay erayo ka dhan ah dowladda federaalka, iyaga oo codsaday in wax laga qabto cabashadooda.