JACEELKII ASAD IYO BOQORADA (Qeybta 10-aad )

0
405

Hassan ayaa wuxuu yiri waxaan rabaa inaan caawa wax ka ogaado ( EREYGA JACEEL ) hadaad wax igaga aqoon roontahay inaad ii sharaxdo,

Deynaba waxeey tiri aniga Qabiir maahi ku xeel dheer sharaxaada iyo baarista waxyaabaha Aadanaha intooda badan eey ku wareereen kuwa amaana iyo kuwa eedeeya intaba eey jiraan balse waxaan ka hadlayaa fikirkeeyga ku saabsan JACEELKA, jaceelka waa hadiyad ka timaada allaha koonkaan iyo wixii dulsaaran abuuray wuxuuna u hadiyeeyey wax waliba oo nool noocey doonaan ha ahaadeene, jaceelka ayaa leh laba magac hadana mid waa JACEEL midka kalena waa KALGACAL,

KALGACALKA waa midka dhexmara waalidiinta iyo ubadkooda walaalaha aadka isu jecel hooyada ubadkeeda jaceelka eey u qabto midkaas ayaa ah KALGACAL,

JACEELKANA waa midka dhexmara laba ruux oo dano gaar ahaaneed isku doortay danteey doonto ha ahaate, JACEELKA dhabta ah ma ahan mid keligiisa socda wuxuu leeyahay mataan aan ka harin oo mar waliba u ah wehel taagan garabkiisa midig midkaasna waa NAXARIIS.

Mida xigta gabadha iyo wiilka marka hore waxey ku kulmaan ka helitaan wuxuu u bedelmaa jaceel markeey isguursadaan wuxuu uga sii gudbaa ( MAWADA WA RAXMA ) taasoo ah mida uu ilaahii na abuurtay noogu sheegay quraankiisa ( WAJACALNAA BEEYNAKUM MAWADATAN WA RAXMA) taasoo micnaheedu yahay (WAXAAN DHEXDIINA DHIGNAY KALGACEEL IYO NAXARIIS ) sidaas ayuu isu bedelaa marka reer dhismo jaceelka.

Hassan inta eey Deynaba hadleeysay oo eey u sharaxeeysay ereyga JACEEL wuxuu ku maqnaa habka eey u hadleeysay iyo sharaxaadeeda waayo waxeey u muuqatay ruux ku soo qaatay Barasho qaas ah oo ku saabsan jaceelka,

Deynaba ayaa tiri Hassan intaas ayaan fikirkeeyga kusoo koobay, Hassan wuxuu ku yiri runtii aad ayaad u mahadsantahay waad ii faa`ideeysay waayo aniga sidan uma sii aqoon, waxeey tiri Hassan waxaan filayaa inaad i baareeysay oo keliya ee aad tahay qabiir. mida xigta dadka aamusan waa qabri wax badan ayaa ku duugan sirtoodana lama gaari karo weeyna qosleeysay intaas, waxeeyna sii raacisay raali ahoow hadaan kugu xadgudbay,

Hassan maya wax waliba waad i dhihi kartaa weligaa ha qarsan waxa niyadaada ku soo dhaca ee aad rabto inaad i tiraahdo, mahadsanid ayeey tiri, filimkii ayaa dhamaaday weey soo baxeen. Hassan ayaa Deynaba ku yiri abaayo waxaan jeclaan lahaa inaad iga ogolaato inaan meel dhow oo casho qafiif ah aan ka cuno inaad iga ogolaato inaan aadno, waxba kama qabo sidaad jeceshahay ayeey tiri.

waxeey aadeen meel casho eey ka cunaan inteey dhexda sii socdeen Deynaba waxey tiri Hassanow waxaan jeclaan lahaa inaan cuno raashiin aad adiga karisay wuxuu ii ahaan lahaa xasuus markaan gurigeeyga CANADA u laabto, Hassan ayaa yiri ma waxaad rabtaa inaad ogaato waxyaabaha aan walaaqdo ee aan cunta ahaan u cuno, balse waa balan inaan kugu casuumo gurigeeyga oo aad cunto raashiin aan gacanteeyda ku bisleeyey, Maya waxaan rabaa oo keliya Xusuus ee igama ahan siduu wax u karinaayo ogoow, mida kale aad Ayaan u jeclahay aniga raashiinka eey nimanka kariyaan inaan cuno weliba xi xadka ka baxsan Ayaan u dhargaa maalintaas.

Haa waa waxaad raga ku dhibtaan in banaankana la idiinkaga soo shaqeeyo guriga marka la yimaadana waxaad rabtaan inaad hadana jikada noo sii dhaafisaan waxaa idiinka soo dhow inaad Baaf noo soo dhigtaan oo aad na dhahdaan dharkana ku sii darsada inta qoslay Hassan ayuu ku yiri Deynaba soo sax maaha arinkaas? Haa hadii naloo sameeynaayo anaga maa diideeyno iska cilaameeysta is qurxiya oo is carfiya wax kale ha qabanina in lana yiraahdo waan jecelnahay ee Ragoow saas ma noo yeeleeysiin? Ileen Nabigeena suubanaa Nabad gelyo iyo Naxariis Rabi dushiisa ha ahaatee isaga iyo Asxaabtaba sidaa ayeey Haweenkooda u sameeyn jireena Maxaa idiin diiday inaad aga dayataan dhaqankaasi wanaagsan oo Haweenkiina u naxariisataan. Mase ogtahay xitaa hadii eey ku nici laheed waxaa u diidaaya damiirkeeda iyo dadnimadeeda. Mida xigta ROMANCE midka dhabta ah waa kaas eey Rasuulkeena iyo Asxaabada ku dhaqmi jireen, ee Hassanoow kaga dayo Adiga jidkaa wanaagsan Nabigeena suubanaa. Inta aad u qoslay ayuu yiri Hassan aad ayaad u mahadsantahay Deynaba waa waano aad u fiican kuna saleeysan Sunada Rasuulkeena Maxamed nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee.

wada socodkoodii habeenimo markii uu dhamaaday gurigii eey martida ku aheeyd ayuu geeyey Hassan iyo Deynaba habeenkaas waxeey u aheeyd habeen farxad iyo xishood waxeey u aheeyd habeen xusuus haba ugu darnaade Hassan waayo Hassan Shineemo iyo habeen eey gabar isu raacaan noloshiisa waxeey aheeyd labeenkii labaad, waayo habeenkii hore waxey noloshiisa ku aheeyd mid aan sinaba uga tirmeeynin….

Lasoco Qeybta 11-aad maalinta sabtiga ah insha allah
Qore iithow