Ciidamada Nabadsugida Galmudug Iyo Boliiska oo Halkaasi Ku Dagaalamey

0
31

Wararka aynu ka heleyno magaalada Cadaado ayaa sheegaya in halkaasi iska horimaad culus ku dhaxmaray ciidamo ka tirsan nabad-sugida iyo booliiska, kadib mariii ciidamada nabad-sugida weerar ku qaadeen goob ay ku shiraan xildhibaannada ka soo horjeeda madaxweynaha Galmudug.

Ciidamada nabad sugida Glamudug ayaa la sheegey in saakay weerar ku qaadeen xarunta lagu magacaabo Badbaado oo ah halka ay ku shiraan xildhibaanada Baralamaanka Galmudug ee dhawaan xilka ka qaaday madaxweynaha maamulkaasi.

Iska hor imaadkan ayaa waxaa la sheegayaa in ay ku dhinteen laba askari oo ka tirsan dhinacyadii halkaasi ku dagaalamey.

Xiisada siyaasadeed e ka taagan mgaalada Cadaado ayaa hada u muuqata mid gaartay heerkeedii ugu sareeyay, lamana oga sida saacadaha soo socda wax isku badali doonnaa..