JACEELKII ASAD IYO BOQORADA (Qeybta 7-aad )

0
98

Caasha: maya walaahi Deynaba waa Runteeyda igama ahan amaan ee wuxuu yahay ayuunbaan ku sifeeyey, waad ogtahay Deynaba aniga kama helo raga inaan amaano noocuu doono ha ahaadee, balse Hassan ilaah baa iga sareeya wuxuu mudan yahay wanaagiisa in lagu amaano. Deynaba ayaa sidii ruux soo baraarugay mar keliya tiri caasha bal haki amaanta Ruuxan sida geed ha iigugu talaaline, labadoodii ayaa mar qura wada qoslay.

Caasha iyo Deynaba waxeey sii guda galeen sheekooyinkooda kale iyo hoowlihii caadiga ahaa ee guriga laga qaban jiray. xili eey galbihii tahay ayaa waxaa gurigii kusoo noqday Bille kadibna wuxuu Deynaba weeydiiyey waxa eey Dhakhtarka kala soo kulantay, waxeey u sheegtay in dhiigag laga soo qaaday lana balamiyey 2 usbuuc kadib, waxaa la gaaray habeen xiligii jiifka qof waliba wuxuu u sii gurguurtay sariirtiisi,

Deynaba markeey sariirteedi tagtay waxeey shidatay cajalad eey soo duubatay xiligii eey wada socdeen iyada iyo Hassan taasoo eey ku soo keeydisay maskaxdeeda, markii eey dhameeysatay cajaladeedii nafteeda ayaa waxeey ku amreeysay ineey u hesho waqti dheeraad ah eey kula kulanto Hassan.

Maya taasi waa rabitaankaaga oo keliya ee laba kala fog kuna nool laba qaaradood hadii eey sheeko wadaagaan misna yimaado jaceel aad u daran Deynaba soo dhib iyo rafaad ma ahan, maya aleeylehe labadii heshiis wada gaara wax waliba weey dhameeyn karaan,

Adigu Deynaba naftaada la murmid ogidaa wiilka meydaan wada hadlin waxba kama ogid shaqsiyadiisa hoose ineey waxbadan u qarsanyihiin ileeyn raga maanta lama aaminee maxaad keligaa go`aamo isaga gaareeysaa, bal caga dhigo,

Hadaladaas waxeey ahaayeen kuwa eey deynaba nafteeda iyo hawada rabitaankeeda eey ku wada murmayeen, inteey sheekadaas hawa beeneeda ah ku jirtay ayeey habeenkii ku gaartay soo jeed xili danbe ah, Deynaba waxeey aheeyd Gabar ilaah aad ugu xiran salaadana aad u ilaalisa waxeey soo toostay xiligii salaada subax misna kuma noqon hurdadii, markii reerka eey soo wada tooseen Caasha ayaa tiri Deynaba galabta waxaan aadeeynaa magaalada Bille shaqada kuma noqonaayo oo isaga ayaan ka codsaday inuu na raaco,

Deynaba maskaxda ayeey aad uga daalaneed balse hadana waxeey aad u daneeyneeysay ineey magaalada ku soo wareegto si eey u soo aragto bilicda iyo mall-lalkeeda, Bille ayaa caasha ku yiri waxaan wacaayaa Hassan si uu noogu yimaado waayo Bille ma heeysan Gaari waqtigaas Gaarigiisa wuxuu ku maqnaa sameeyn cilad aawadeed, Caasha waxeey ku tiri waa ok walaahi, Bille wuxuu wacay Hassan balse nasiib daro waa uu dansanaa telka Hassan misna wuxuu u reebay fariin codeed si uu ugu soo celiyo, goor danbe ayuu Hassan kusoo celiyey telkii Bille una sheegay in uu shaqo ku jiro kana soo baxaayo xili danbe wuxuu uga cudur daartay in uusan u imaan karin, Bille iyo labadii gabdhood sidii ayeey magaalada ku aadeen,

Deynaba iyadoon cidina ogeen ayeey xanaaq keligeed ku koobnaa iska xanaaqday una xanaaqday Hassan, Sababta uu u yiri ma imaan karo nafteeda ayaa waxeey rabtay aragtida Hassan balse hadana ma eeysan ogeeyn sababta eey sidaasi ugu daneeyneeyso aragtida Hassan,

Bille iyo caasha waxeey hadba meel tusaan Deynaba ugana sheekeeyaan magaalada balse iyada intaaba uma muuqan waxaa isugu kaashaday laba arimood iyadoo xalay humaag been ah ku dhafartay ogeenna sababta eey u dhafartay iyo iyadoo hadana Hassan uu yiri ma imaan karo oo idiinma raaci karo sababta uu u diiday, maba u muuqan iyada ruux shaqo dhib badan ka soo shaqeeyey 10 saacadood daalan misna in uusan hadana awoodin inuu wareeg ku darsado,

Deynaba awood iyada ka xoog badan ayaa timid balse eeysan ogeeyn waxa eey tahay iyo arinkan soo siyaaday waxa uu yahay, habeenkii marka eey guriga ku soo laabteen ayaa waxaa soo hadlay Hassan wuxuuna ka codsaday Bille iyo labada gabdhood in maalinta Axada ah hadii eey raali ka yihiin in uu isaga casuumo oo eey aadaan Frankfurt halkaasna waqti isaga soo qaataan,

Bille wuxuu weeydiiyey labadii gabdhood iyaguna si farxad leh ayeey uga ogolaadeen,Deynaba gabadhii aamusneed caajisneed una muuqatay qof xumad ama murugeeysan isla markiiba waxaa wejigeedii hareeyey farxad aan la ogeeyn halka eey ka timid iyo waxa loogu soo bishaareeyey waxeey durbadiiba tiri Bille aboowe shaah manoo soo sameeyaa, Bille: haa abaayo waan isaga baahanahay thanks, Caasha weey qososhay waxa eey la yaabtay fudeedka iyo farxada hada ku soo kordhay Deynaba, ileeyn haween iyagaa hoosta iska oge,

Waxaa la gaaray Axadii waxeey guda galeen reerkii ineey isu diyaariyaan bixitaan Frankfurt ah iyagoo sugaayey Hassan, Deynaba waxeey u labisay si Cajiib ah waxaa soo ifbaxday quruxdeedii oo in muda ahba aan la arag, Bille iyo Caasha waxeey mar kale eegid ugu dhaqaaqeen Deynaba quruxdeedi iyo hanaanka dhismaha jirkeeda dhamaan qaabka eey aheeyd, runtii waxeey aheeyd mid amaan ka dhan waxeey aheeyd Gabar ilaah u hibeeyey wax waliba oo shaqsi bani`aadan ah ilaah u hibeeyn lahaa,

Waxaa yimid Hassan markii uu arkay Deynaba waxeey la noqotay gabar cusub oo aan aheeyn midii uu dhakhtarka geeyey doraato, isagoo si xishood ku dheehan deymada ku xadaya eegmada ayaa misna Caasha waxeey ku maqneed Hassan,

Caasha oo qosleeysa waxeey tiri ka waran Hassan Deynaba soo qurux la miiray meey lasoo bixin, Hassan ayaa si maahsan iyaah mar keliya yiri …

la soco Qeybta 8-aad maalinta Talaadada ah insha allah
Qore iithow