Dhegayso…Suldaanka Beesha Wacdaan oo ka Calaacalaya dhulboobka beesha Abgaal.

0
788

Ugaaska guud ee beesha Wacdaan Cismaan Ugaas Warsame Cali Suuleey ayaa waxaa markii ugu horeysay dhaleecayn dusha uga tuurey beesha Abgaal oo dhulboob aad u baaxad weyn ka wada deegaano dhaca duleedka caasimada magaalada Muqdisho isla markaana hoos taga degmada Afgooye gobolka Shabeelaha hoose Maamul goboleedka KoonfurGalbeed Soomaaliya.

Beesha Wacdaan Cismaan oo markeedii hore si samafal ah ay beesha Geledi u dejisay dhulka deexda ah ee dhaca inta u dhexeyso Xamar iyo Afgooye ayaa waxay geed dheer iyo mid gaabanba u fuuleen sidii ay Samafalkii loo sameeyay ay u inkiri lahaayeen taasina waxay ku xunbaartay inay Abgaal walaal ka dhigtaan maantana ay ku calaacalaan Abgaalbaa na dhacaya.

Talaabadan ay ku dhaqaaqeen beesha Madaxweyne Xasan Shiikh ee Abgaal ayaa waxay imaaneysaa xili uu Madaxweyne Xasan Shiikh dhalinta beesha Abgaal inta uu soo hubeeyay isla markaana dharka ciidanka u soo geliyay ku soo daadiyay gobolka Shabeelaha hoose,Halka ganacsatada Beeshiisa Waceyslana ay guud ahaan Goofaf ka ooteen dhulkaas.

Halkan ka dhegayso Calaacalka Suldaan Warsame Suldaanka Wacdaan Cismaan waxaana kaga danbayn doona Nabadoon Xasan Nuur Maxamed.

Suldaan Warsame Suuleey

Moobilkaaga ku dhegayso