Jaaliyada Koonfur Galbeed ee Magalada Portland oo Shacabka KG Ugu Baaqdey Iney Ka Foojignaadaan Dhagar Qabayaasha

0
32

Kulan aad u balaaran oo ay soo agaasimeen jaaliyada koonfur galbeed ee Portland Oregon ayaa maalintii shaley lagu qabtey magalada portland, kulankaas oo looga arinsanaayey siyaasada guud ee dalka gaar ahaan tan deegaanada koonfur galbeed.

Kulankan ayaa waxa akasoo qeyb galey odayasha iyo, haweenka iyo waxgarad kasoo jeeda koonfur galbeed oo ku dhaqan magalada portland qaar ka mid ah odayaasha portland oo halkaasi ka hadley ayaa shacabka koonfur galbeed wwaxaa ay ugu baaqeen iney ka foojignaadaan siyaasada maldahan ee ka socota gudaha dalka.

Waxaa kaloo halkaasi ka hadley gudoomiyaha Jaaliyada Koonfurgalbeed Mukhtar Deerow ayaa isna ugu baaqey shacabka reer koonfur galbeed in ay ka foojignaadaan dhagar qabayasha Kursi raadis ka ah ee doomnaya hantida Ummada iyo Burburinta wadanka Soomaaliya.

Mar uu ka hadlayey maamulkii hore ee lexda gobol ee la burburiyey waxaa uu sheegey in ay haboon tahay in la ilaaliyo midnimada lexda gobolka ee koonfur galbeed iyo guud ahaan midnimada umada somaliyeed, sidoo kale Umada Soomaaliyeed waa iney ka Hortagaan shaqsi kasta wadanka Dhibaato u keenaya umada Soomaaliyeedna kala Qeybineya.