Hogaamiyeyaasha Maamul Goboleedyada oo Aqbaley In Doorasho Lagu Celiyo 11 Xubnood ee La Laaley

0
52

Hogaamiyayaasha madasha wadatashiga Qaran ee shirka ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa go’aan rasmi ah ka gaaray xubnihii ee guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka dadban horey u laaleen doorashadooda.

War Murtiyeed shirka laga soo saaray ayaa lagu sheegay in hogaamiyasaha madasha wadatadhiga ay ogoladaeen in lagu laabto doorasahooda 11-kursi oo kamid ahaa xildhibaannada aqalka hoose kuwaa oo horey guddiga khilaafaadka usoo celiyeen.

Hogaamiyaasha Madasha Wadatashiga Qaran ayaa sidoo kale isku raacay in la fasaxo ayna doorashooyinka ka qeyb galaan Xubno horey looga reebay in ay u tartamaan doorashada aqalka hoose ay ku jiraan Wasiirka Dhalinyrada iyo Ciyaaraha iyo Wasiirka Batrooka Soomaaliya.

Is jiidjiidka qodobkan ayaa mudo dheer ku qaatey hogaamiyeyaasha ayagoo markoodii hore ka indho adeegey balse markii dambe ay qasab ku noqotey iney qaataan amarka dadka dusha ka maamula.