Ciidamo Ka Tirsan Alshabab oo la Wareegey Saldhig Ku YaalaDeegaanka Ceel-Cadeee Gobolka Gedo

0
50

shababDagaalyahanno taabacsan Al-shabaaab ayaa weeraray saldhig ciidan ay ciidamada Kenya ee AMISOM ka tirsan ku leeyihiin deegaanka Ceel-cade oo ka tirsan gobolka Gedo una dhow xuduudda Kenya iyo Somalia

Al-shabaab ayaa weerarkan ku billowday gaari waxyaalaha qarxa laga buuxiyay oo lagu dhuftay albaabka laga galo saldhigan millateri, iyagoo markaas kaddibna saldhigga gudaha u galay.

Afhayeenka howlgalada ee Al-shabaab C/casiis Abuu-Muscab ayaa sheegay inay la wareegeen xoogaggoodu ay galeen saldhigga. Isagoo yir. Xoogageennu waxay gudaha u galeen saldhigan wayna qabsadeen.”

Sidoo kale, lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkaan, wuxuuna noqonayaa weerarkii ugu horreeyay noociisa oo lagu qaado saldhig ay ciidamada Kenya ku leeyihiin gudaha Somalia.