War Deg Deg Ah Madaxweyne xasan Sheekh Oo Kol Dhaweyd Gaarey Magalada Baydhaba

1
39

breaking-nMadaxweynaha dowlada federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhaw waxa uu gaaray magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Baay, halkaasi oo lagu soo dhaweeyay.

Garoonka diyaaradaha magaalada Baydhaba waxaa madaxweyne Xasan Sheekh kusoo dhaweeyay Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Safarka madaxweynaha uu ku tagay magaalada Baydhaba ayaa ahaa mid aan horay loo sii shaacin, iyadoo uu kulamo la qaadan doono maamulka shariif xasan iyo Odayaasha dhaqanka ee ku sugan magaaladaasi.

Deegaanada maaamulkaasi waxaa mudooyinkii ugu danbeeyay ka taagnaa khilaaf ku aadan Xulista Xildhibaanada Baarlamanka Maamulka shariif xasan Oo Lagu marunsan yahay Habqeybsigiisa maadaama kooxo badan oo aan deegaanka shaqo ku laheyn ay isticmaalayaan hal ku dhigii ahaa ku qabso ku qadi meyside.

1 COMMENT

  1. Guurguurrte iyo sakiin dalka iyo dadka ha unaxeen dullaal nimada haka baxaan ayaan dhihi lahaa hana u dhaafeen talada dadka deegaanka u dhashay haddiikale maabka somaliya Dib ha u furfureen,sida dad badan ay Ku taamayaan maanta fursad ayay haystaan talo ayaa gacantooda Ku jirta degaanada waa lakala leeyahay waxa la wada leeyahay waa xamar ee daacad ha loo qeybsado iyadoo la-is xushmeynaayo umadda iyadoo dhulka kalaleh ayaay isdhexdegentahay si sharaf iyo karaama leh wixii dhib keenaayo hala dheeraadeen,

Comments are closed.