Madaxweynaha Dowlada Federalka Somaliya oo Maanta Usoo Kicitimey Dalka Mareykanka

0
54

jawariMadaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu Hoggaaminayo ayaa maanta u socdaa;ey dalka Halkaasoo ay kaga Qayb-galayaan Shirweynaha Qaramada Midoobay ee Sannadkan.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha sii sagtooiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari,RW-ha Somalia, Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke iyo Mas’uuliyiin kale oo dowladda ka tirsan.

Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa Magaalada New York kaga Qayb-geli doona shirka 70-aad ee Qaramada Midoobay, kaasoo sannadkiiba mar la qabto, Waxaana sidoo kale ay ka qaybgeli doonaan shirkan xubno uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somalia, C/salaam Hadliye Cumar.

Sidoo kale, Xasan Sheekh ayaa shirka Golaha Ammaanka QM ka jeedin doona khudbad uu uga hadli doono xaalada Soomaaliya iyo horumarrada dowladda ay gaartay saddexdii sano ee Dowladda hadda jirta ay shaqeynaysay.