Xildhibaano Shaley Ku Shirey Magalada Muqdisho Kuna Hanjabey Iney Moshin Ka Keeni Doonaan Gudomiyaha Barlamanka HadiiReysulwasaraha laga keeno

0
27

barlamanQaar ka tirsan xildhibaanada barlamaanka oo taageersan reysulwasaaraha ayaa kulan balaaran oo ay shaley ku yeesheen magalada muqdisho waxaa ay ku hanjabeen in ay moshin ka keeni doonaan gudoomiyaha barlamaanka hadii mooshin laga keeno reysulwasaaraha dowlada federalka.

Kulankan ayaa waxaa ka hadlay xildhibaanno, kuwaasoo sheegay in madaxweynaha ay ku wargelinayaan inuu ka digtoonaado in mooshin uu ka keeno ra’iisul wasaaraha, iyagoo xusay inay horay madaxweynaha uga dalbadeen inuu ka fiirsado mooshinnada is-daba-socda ee laga keenayo ra’iisul waasarayaasha.

Mudanayaal kale oo iyaguna kulanka ka hadlay ayaa sheegay inay si aad ah uga digayaan in baarlamaanka la keeno mooshin, kuwaasoo sheegay inay u arkaan mooshinka la doonayo in baarlamaanka la horkeeno mid laga soo abaabulayo xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Hadalka kasoo yeerey xildhibaannadan ayaa ayaad waxaad moodaa mid si ba;an uga soo horjeeda xilka ay u hayaan umada soomaaliyeed maadaama ay xal moodeen sidii ay u fulin lahaayeen danahooda gaarka ah ayagoo ilaabey qiimaha iyo sharafta uu leeyahay xilka ay u hayaan shacabka somaliyeed.

Daafeet.Com