Wasiirka beeraha oo maanta ka hadley cabashada gaadiidka qudaarta keena magalada muqdisho

0
74

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si toos ah usoo faro-gelisay cabashada gaadiidleyda qudaarta ka keena gobolka Shabeelaha Hoose, oo muuddooyinkan qaylo dhaan ka muujinayay koontaroollada laga soo galo Muqdisho.

Gaadiidleyda ayaa si gaar ah uga cabanayay eeyo ay sheegeen inay baaraan gaadiidkooda, kuwaas oo ay tilmaameen in xilliyada qaar ay kusoo aadaan, iyaga oo maqan ama hurdaya, isla markaana ay saacado badan iyo maalmo ay ku qaadato inay sugaan Eeyaha.

Wasiirka beeraha iyo waraabka Soomaaliya, Maxamed Cabdi Maareeye oo ku baxay arrintan ayaa saaka booqday baraha koontarool ee ay Muqdisho kasoo galaan gaadiidkan isaga oo la kulmay beeradleyda, isla markaana xog wareystay xaaladooda.

“Saaka 6:30 am Subaxnimo waxaan kormeer shaqo ku tegay goobta ay Magaalada Muqdisho ka soo galaan Beeralayda ka timaada Gobolka Shabeelada hoose ee Qudaarta iyo dalagyada ay soo saaraan u wada suuqayada Xamar” ayuu yiri wasiir Maareeye.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu la kulmay saraakiisha ciidamada, uuna ka hadlay cabashada gaadiidleyda, si loogu fududeeyo howlaha ay uga baahan yihiin ciidanka.

Maareeye ayaa sidoo kale xusay in beeraleyda uu la kulmay ay ka muuqatay dhibaatada ay sheeganayaan iyo rafaad ay ku qabaan wadooyinka ay soo maraan, mararka qaarna ay dhibaato xoog leh kala kulmaan kooxda Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here