Afhayeenka Amisom Col Cali Adan oo Sheegey Inuusan Qaraxa Ku Dhiman Sarkaal Mareykanka Ah

0
21

Col XamudAfhayeenka AMISOM, Col. Cali Aadan Xumad ayaa beeniyay hadal kasoo baxay Al-shabaab oo ay ku sheegeen in ay ku dileen weerarkii shalay ay ciidamad AMISOM kula beegsadeen meel duleedka ka ah caasimadda Somalia sarkaal Mareykan ah.

Col. Xumad ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadalkaas, wuxuuna xusay in laba ka mid ah askartooda ay dhaawacyo kasoo gaareen weerarka, wax dhimasho ah oo soo gaarayna aysan jirin.

Sidoo kale, afhayeenka AMISOM ayaa sheegay in khasaaraha ugu badan uu weerarkaas kasoo gaaray dad shaaca ah oo gaadiid saarnaa, taasoo uu ku tilmaamay wax aad looga xumaado.

In ka badan 20-qof oo rayid ah ayaa ku dhintay weerarkaas oo ahaa mid loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, weerarkaasoo ay mas’uuliyaddiisa sheegatay Al-shabaab.

Afhayeenka howgallada Al-shabaab ayaa sheegay in weerarkan uu qayb ka ahaa mid ay ugu aargudayeen hoggaamiyahoodii la dilay, isagoo xusay inay ku dileen saraakiil Mareykan iyo Koonfur Afrikaan isugu jiray.

 

 

Daafeet.Com