Golaha Wasiirada ee dowlada federalka oo maanta ka doodayey miisaaniyada dowlada 2014

0
100

Golaha_Wasiirada_Xukuumada_3Golaha wasiirrada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta dood ka yeeshay miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2014-ka.

Wasaaradda maaliyadda iyo qorshaynta ayaa golaha hor gaystay miisaaniyadda shaqo ee dowladda ee 2014 oo dhan $219 milyan oo dollar.

Wasiirka maaliyadda iyo qorshaynta ee xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Xasan Suleymaan ayaa sheegay in miisaaniyadda dowladda ee sanadka dambe ay ka badan tahay tan sanadkan lagu shaqaynayo.

Wuxuu sheegay in $128 miliyan oo dollar oo qayb ka ah miisaaniyadda la qorsheeyay ay ka imaanayso dakhliga gudaha, halka 91 milyan ay ka imaanayso kaalmanada caalamiga ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa bishii November billowgeedii sheegtay inuu sare u kacay dakhliga soo gala dowladda, marka loo eego dakhliga u soo xaroon jiray kow iyo toban bilood kahor.

 
Daafeet.Com