Sheekh C/qaadir Nuur oo maanta lagu diley Magalada Garoowe

0
29

Sheekh_Cabdiqaadir_Nuur_FaaraxWaxaa gellinkii dambe ee Maanta lagu toogtay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax (Gacamey) oo ka tirsanaa culimada ugu waaweyn Puntland iyo guud ahaan dalka Soomaaliya.

Shiikha ayaa xilligii la dilayey ku tukanayey salaadda Casarka masjidka Beder oo ku yaalla xaafadda Hodon, waxaa la xaqiijiyey in uu toogtey nin dhalinyaro ah oo Baaskoolad ku hubeysnaa.

Sheekha oo rasaastu ay ka haleeshay meelo halis ah ayaa u geeriyoodey dhaawacii soo gaarey, waxyar kahor intii aan la gaarsiin Isbitaalka weyn ee magaalada Garoowe.

Dhinaca kale waxaa sida ay saraakiil ka tirsan laamaha ammaanku warbaahinta u sheegeen gacanta lagu dhigay ninkii dilka geystey, waxaana qabtay dad shacab ah oo goobta ka agdhowaa.

Weli ma cada sababta keentay dilka Sheekha, mana jiraan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland oo ka hadlay, haseyeeshee wixii war ah oo kasoo kordha dib ayaan idiinka so gudbin doonnaa.

Daafet.Com