Maddaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland oo ka hadley dilkii Sheekh C/rahmaan

0
31

faroleMadaxweynaha Puntland, Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa ka tacsiyeeyey geerida Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax oo gelinkii danbe ee shalay lagu toogtey magaala-madaxda Puntland ee Garoowe xillu uu masjika Beder ee xaafadda Hodon ku tukanayey salaadda Casarka.

Dr. Faroole ayaa dhinaca kale tilmaamay in dilka Sheekha loo hayo nin dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Xuseen Jaamac (Bile), kaasoo ay dadweyne goobta ka agdhowaa ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan.

“Sheekha waxaa dilay nin dhalinyaro ah lagu magacaabo Cabdiraxmaan Xuseen Jaamac (Bile) oo masaajidka ugu soo galay, waana lahayaa oo gacantaa lagu hayaa, waxaana loo hayaa dad aan tira lahayn oo marag ah”Madaxweynaha Puntland ayaa dhinaca kale mas’uuliyadda dilka Sheekha dusha uga tuuray xarakada Al-shabaab, wuxuuna isaga oo arintaas ka hadlaya yiri:

“Sheekh cabdiqaadir nuur faarax waxaa dilay Al-shabaab waxaa dilay inay Godane iyo Al-qaacidada ka shisheysa, iyagaana loosoo taagayaa, Ilaahna waxan ka baryeynaa in uu ka jaaseeyo”

Ugu danbeyntii wuxuu madaxweynuhu shacabka Puntland ugu baaqay in ay xoojinta amniga ka qayb qaataan, islamarkaana ay ka fogaadaan wax walba oo nabadda iyo degenaanshaha wax u dhimi kara.
Daafeet.Com