Maddaxweynaha Dowlada Federalka oo uga tacsiyeeyey umada somaliyeed dilkii Sheekh C/qaadir Nuur

0
30

xasanMadaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan ehelada uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax oo shalay galab isagoo tukanayay lagu dhex dilay masaajid ku yaalla magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Madaxweynaha ayaa marxuumka Alle uga baryay in uu naxariista Janno ka waraabiyo, qoyska iyo ehelada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeedna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

War qoraal ah ayuu madaxweynaha ku cambaareeyay dilka Sheekha, oo uu ku tilmaamay mid aad looga naxo oo ka baxsan bini’aadannimada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku ammaanay marxuumka inuu door weyn ku lahaa fidinta Islaamka.
Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax waxaa shalay oo Jimce ahayd lagu dhex dilay masaajidka Badar ee magaalada Garoowe isagooo tukanayay salaadda Casar.
Daafeet.Com