Alshabab oo diley mid ka mid ah la heystayaal Kenyaan Ah

0
30

la-heystayal-kyn-300x132Al-shabaab ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in xalay saqdii dhexe ay xukun dil ah ku fulisay mid ka mid ah dad Kenyan ah oo ay gacanta ku hayso, kaasoo ay ku sheegeen inuu ahaa askari ka tisranaa ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha Soomaaliya.

Warbixinta ayay Al-shabaab ku sheegtay inay dilka ku fulisay, Jonathan Kipkosgei Kangogo oo ay ku sheegeen inuu ahaa askari ay gacanta ku dhigeen sannadkii hore.

Al-shabaab ayaa sheegay ay siinayso fursad kale oo 72 saacadood ah si ay u badbaadiyaan shan muwaadin oo weli nool, kuwaasoo Al-shabaab ay sheegtay inay qoysaskoodu si joogto ula soo xiriiraan.

Dhawaan ayay ahayd markii Al-shabaab ay dowladda Kenya u qabatay saddex toddobaad inay ku aqbasho shuruudooda oo ahaa inay dhammaan dadka muslimiinta ah ee xabsiyadeeda ku jira soo dayso si ay sii dayso maxaabiisteeda ee ay gacanta ku hayso.

Afhayeenka milateriga Kenya, Col. Cyrus Oguna ayaa dhawaan sheegay inaysan Al-shabaab kala hadlayn dadka ay gacanta ku hayso, isagoo xusay inaysan jirin ciidammo ka maqan oo ay og-yihiin.

Daafeet.Com