Howlgalo maanta laga sameeyey magalada kismaayo oo lagu soo aruriyey waxyaalaha qarxa

0
122

Howlgallo balaaran oo ey sameeyeen ciidamada dowlada  iyo kuwa kenya ayaa maanta gelinkii hore waxaa u ka dhacay magaalada ksimaanyo kaasoo ay ku guuleeysteen in ay soo saraan Miinooyin dhowr ah oo lagu aasay qaar kamid ah wadooyinka dhexmara magaalada Kismaayo.

Ciidamadan ayaa maanta howlgalkooda ka bilaabay qaar kamid ah xaafadaha magaalada Kismaayo, waxayna ku guuleeysteen in ay gacanta ku dhigaan ilaa dhowr Miino oo lagu aasay wadooyinka dhexmara Magaalada.

Miinooyinka ayaa ah kuwo aalaaba ey alshaba ku aasaan dhulka si ey u xadidaan dhaq dhaqaaqa gawaarida weerarka ku ah si ey u xadidaan dhabaatooyinka loo geysan karo.

Howlgallada ay ciidamadu kusoo qabteen walxaha qarxa ayaa kusoo imanaya xilli dhawaan qarax nooca Miinooyinka dhulka lagu aaso ah lala beegsaday goob maqaaxi ah oo ku taal iridda laga galo xarunta Degmada Kismaayo.

Daafeet.Com