Maddaxweynaha dowlada federalka oo safarkiisii ugu horeeyey u kicitamey magaalada baydhabo

0
35

Madaxweynaha dowlada federalka ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo xildhibaanno ah ayaa u dhoofay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay halkaasoo ay maanta kulammo kula yeelanayana maamulka gobolka, kan degmada iyo saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Itoobiya iyo AMISOM ee ka socda dalalka Uganda iyo Burundi.

Booqashadan ayaa waxay noqonaysaa tii ugu horreysay oo madxweynaha Soomaaliya uu ku tago deegaan ka mid ah Soomaaliya, waxaana isaga iyo wafdigiisa oo ay diyaarado kuwa qummaatiga u kaca ah ka qaadeen Muqdisho lagu wadaa inay isla maanta dib ugu soo laabtaan Muqdisho.

Guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo lagu waday inuu madaxweynaha u raaco Baydhabo ayaa ka baaqday, iyadoo aan la ogeyn sababta keentay inuu baaqdo.

Madaxweynuhu kama uu san hadlin sababaha keenay in xilligan uu booqasho ku tago magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Daafeet.Com