Dowlada oo shaacisey in shabaabkii ugu badnaa lagu diley deegaano u dhow magalada xarardheere

0
97

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ka badan 50 dagal-yahaano ka tirsan kooxda Al-Shabaab lagu dilay duqayn ka dhacday gobolka Mudug.

Duqeyntan oo si gaar ah uga dhacday deegaan u dhow magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa lagu dilay Shabaab-kii ugu badnaa, sida ay sheegtay dowladda.

Warbaahinta dawladda federaalka ayaa sidoo kale waxay sheegtay in hawl-galkaan ay iska kaashadeen ciidamada dowladda iyo saaxiibada caalamka ee Soomaaliya ka taageera dagaalka Al-Shabaab.

Howl-galkan ay sheegtay dowladda inay ku dishay Shabaabka badan ayaa imanaya ku dhowaad laba toddobad kadib markii dowladda ay sheegatay inay dishay in ka badan 80 ka tirsan dagaal-yahaanada Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here